Antonio Rudiger Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro

Daafaca kooxda Chelsea Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa in uu door bidayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid halkii uu ku biiri lahaa kooxda PSG.

Xiddiga reer Germany ayaa galay 6-dii biloowd ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Chelsea waxana uu xor u yahay in uu wadahadalo la qaato kooxda uu doonayo si uu ula sii galo heshiis hordhac ah.

Kooxaha Real Madrid, PSG, Bayern Munich iyo Juventus ayaa la rumaysanyahay in ay xiiso u qabaan saxiixa xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara.

PSG ayaa la rumayanyahay in ay xiddiga Rudiger miiska u saartay dalab Rasmi ah si ay u hesho saxiixa xiddiga laakiin wargayska Foot Mercato ayaa sheegaya in uu Rudiger doorbidayo ku biirista Real Madrid.

Xidiga 28 jirka ah ayaa muhiim ka ahaa kooxda chelsea isaga oo kooxda kula guulaystay champions League xilli ciyaareedkii hore qaab ciyaareed fiicana soo bandhigay.