Antonio Conte Oo Ku Soo Wajahan Premier Leageu, Kooxdee Ayuu Hogaamin Doonaa.

Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la bilowday tababarihii hore ee kooxda chelsea ee Antonio Conte si uu u buuxiyo booska tababarahimo ee ka banaan kooxda.

Tababaraha reer Italy ayaa kooxda Inter Milan ku hogaamiyay horyaalka Serie A-da kadib markii uu 2 sano ka hor la wareegay hogaaminta kooxda waxana uu qabtay shaqo fiican.

Kooxda Inter Milan ayaa Juventus ku garaacday horyaalka Serie A-da iyaga oo ku guulaystay horyaalka iyada oo 4 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Tottenham haatanba wadahadalo kula jirto tababare Conte si ay ugu soo celiyaan magaalada London shaqadana uga badalo Jose Mourinho.

Tottenham ayaa shaqada ka caydhisay Jose Mourinho dhamaadkii bishii hore kadib markii ay kooxdu ku bilaabatay si xun xilli ciyaareedka waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed xun kulamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*