Antonio Conte Oo Hal Arin Uga Digay Xulka Italy Sidoo Kale Magacaabay Diciifnimada Xulka England.

Antonio Conte ayaa xulka Italy uga digay Halista xaaladaha hal-ka iyo Halka ee weerarka xulka England iyo waliba weeraryahanka Harry Kane laakiin sidoo kale waxa uu calaamadeeyay daciifnimo dhanka daafaca xulka England ka hor final-ka euro 2020.

Xulalka Italy iyo Spain ayaa isaga hor iman doona final-ka euro 2020 Axada iyada oo labada xul midkood ku guulaysan doono koobka kadib muddo bil ah oo la ciyaarayay.

Tababarihii hore ee Juventus iyo Chelsea ayaa sheegay diciifnimada difaaca xulka England laakiin uga digay xulka awooda weerarka xulka England.

“Marka loo eego xulka Spain oo kubada dib u celiya, England waxa ay mar walba ugu dilaysaa kubad Hal iyo Hal ah, Gambis, iyo weeraro orod ah oo ay adeegsanayaan xiddigaha Raheem Sterling, Bukayo Saka, Phil Foden, Jadon Sancho & Jack Grealish”.

“Kadib waa in aad ka fikirto Harry Kane, waana xiddig leh awood isaga oo dib u soo laabta si uu kubada u helo, waana xiddig fiican waxana uu awood ku leeyahay dilinta ganaaxa dhexdeeda”.

“Khadka dhexe waxa uga ciyaara Kalvin Philipps iyo Declan Rice kuwaas oo awood leh laakiin ma lahan awood baas waxana ay mar walba doortaan dookha fudud waana mid ka mid ah diciifnimada England”.

“Diciifnimada kale ayaa ah in uuna difaacoodu awood u lahayn in uu iska caabiyo cadaadiska iyo dar-darta badan ee xiddigaha ka soo hor jeeda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*