Antonio Conte Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiisaha Arsenal Iyo Barcelona.

Tababare Antonio Conte ayaa iska diiday in uu ku biir midkood kooxaha Barcelona ama Arsenal inkasta oo ay labada tababare-ba ku jiraan wakhti adag.

52 jirkan ayaa haatan bilaa shaqo ah kadib markii uu ka tagay Inter Milan dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Sabab la xidhiidha shardi ku jira heshiiskiisa Conte ayaan tababare ka noqon karin koox kale oo Serie A-da ah ilaa xilli ciyaareedka dambe ah arintaas ayaana keentay in uu xiiso ka helo kooxo kale oo ka baxsan Italy.

Xaalada ay ku jiraan kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa keentay in ay maamulka labada kooxood xiiso u muujiyaan saxiixa tababaraha si ay ugu badalaan tababarayaasha Ronal Koeman iyo Mikel Arteta.

Laakiin labada kooxood ayaan soo jiidan hamiga tababaraha waxana uu iska diiday in uu tababare u noqdo kooxaha isaga oo wali sii sugi doona shaqada saxda ah.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: Hadalo Macaan Oo Aad U Diri Kartid Qof Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*