Antonio Conte Oo Diginiin Culus U Diray Real Madrid Ka Hor Kulankooda Arbacada.

Tababaraha Kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa digniin u diray kooxda Inter Milan ka hor kulankooda champions League ee arbacada kulankii 4-aad ee wareega Group-yada.

Inter Milan ayaa marti galinaysa kooxda Real Madrid kulan ka dhici doona San Siro iyaga oo aan ilaa haatan wax guul ah gaadhin wareega Group-yada tartanka champions Lague.

Conte oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kulanka Real Madird ee Bari waa kulan adag, Real-na waa koox weyn oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay kulankii hore”.

“Kadib guuldaradii naga soo gaadhay Real Madrid iyo labadii bar-baro ee aan galnay ma jirto fursado badan oo aan ugu soo bixi karno”.

“Waan Ognahay in uu kulan adag na sugayo, waxana aan ognahay kooxda Real Madrid”.

“Waxa aan kulanka Real Madrid ciyaari doonaa sidii aan ciyaarayno Kulan Final Ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*