Antoine Griezmann Oo Shaaciyay Shaxdiisa Ugu Fiican, Ronaldo & Messi Oo Iska Dhex Waayay.

Xiddiga kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican ee ciyaar gacmeedka FIFA waxana uu shaxdiisa ku shaaciyay bogiisa Twitter-ka.

Waxa shaxda ka maqan xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo isaga oo dhanka kale isagu isku daray shaxdiisa dhanka kalena shax Halyeeyo u badan ku ciyaara kulamada Ciyaar gacmeedka.

Ciyaar gacmeedka cusub ee FIFA 2022 ayaa la sii daayay dhawaan waxana uu shaaciyay shaxdiisa ugu fiican isaga oo sidoo kale ku daray shaxdiisa 2 xiddig oo uu haatan kaga garab ciyaaro Atletico Madrid.

Dhanka kale waxa uu shaxda ku soo daray xiddiga ay isku xulka yihiin isagana soo garab ciyaareed Barcelona ee Ousmane Dembele halka Halyeeyada Ronaldo Nazario, Frank Rijkaard, Samuel Eto’o & Roberto Baggio shaxdiisa ka soo muuqdeen.

Arinta la yaabka ah ayaa ah in uu Griezmann shaxdiisa ka reebay xiddigaha haatan ugu fiican adduunka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo qiimo weyn ku leh ciyaar gacmeedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*