Antoine Griezmann Oo Loo Sheegay In Uu Isaga Tago Kooxda Barcelona & Sababta Oo Loo Sheegay.

Daafacii hore ee Xulka qaranka France ee Bixente Lizarazu ayaa xiddiga Antoine Griezmann u sheegay in uu isaga tago kooxda Barcelona hadii uu doonayo in uu badbaadiyo xirfadiisa ciyaareed.

Griezmann ayaa ku soo biiray Barcelona xagaagii hore iyada oo wax weyn laga filayay laakiin xiddiga reer France ayaan wax saamayn weyn ah ku yeelan kooxdiisa.

xiddiga 29 jirka ah ayaa kaliya xilli ciyaareedkan dhaliyay 2 gool horyaalka La Liga Bixente Lizarazu ayaan u sheegay in uu isaga tago kooxda Barcelona.

“Waxa aad arkaysaa in uuna Griemann ku faraxsanayn garoonka, si uu ciyaartoyga si fiican ugu ciyaaro waa in uu dareemo taageero, waa in uu jiro xidhiidh fiican oo kala dhexeeya xiddigaha iyo tababaraha kooxda mana arko arintaas”.

“Booskiisa kama garab helayo Lionel Messi, si wada jir ah uma ciyaaraan, xalka kaliya ee uu haysto ayaa ah in uu isaga tago kooxda Barcelona hadii uu doonayo in uu sii wado xirfadiisa ciyaareed”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*