Antoine Griezmann Oo Heshay Wado Ay Isaga Taqalusayso Antoine Griezmann & Liverpool Oo Ka Naxday Qorshahaas

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso qorshe ka nixinaya Kooxda Liverpool isla markaasna ka caawinaya in ay iska dirto xiddiga Antoine Griezmann kaas oo ah in ay u soo bandhigto kooxda Atletico Madrid si uu uga qayb noqdo heshiiska ay ku doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Saul Niguez.

Kooxda Ronald Komena ayaa doonaysa in ay yarayso mushaharka ay bixiso xiddiga Antoine Griezmann ayaana ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda.

Dhanka kale Saul Niguez ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Liverpool kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Football Espana ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay xiddiga Griezmann U soo bandhigto Atletico Madrid iyada oo kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga doonayso in ay aqbasho dalabkaas.

Atletico Madrid ayaa dalban doonta lacag dhan 17 milyan oo dheeraad ah si ay ugu ogolaato in uu Niguez ku biiro Barcelona waana lacag ay Kooxda Barcelona diyaar u tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*