Antoine Griezmann Oo Guul Qaali Ku Hogaamiyay Barcelona , Athletic Bilbao Ayay Ka Talaabsadeen.

Barcelona ayaa guul adag waxa ay ka  gaareen Athletic Bilbao oo ay uga talaabsadeen  2/1 ka dib ciyaar xaraarad yeelatay qeybta labaad

Barcelona ayaa nasiinada ugu dirtay Athletic Bilbao hal gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 21-aad ee La Ligaha .

Barcelona qeybtaas hore iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda waxa ayna heer ahaan gaaraysay %65 balse kubad waliba oo goosha lala aadayay waa laga soo celinayay .

Barca waxa ay qeybtaas hore soo bandhigeen kubad deg degsiimo leh halka Athletic Bilbao iyana daafac ahaan ay wacnaayeen balse halis gilin kuma aysan sameyneyn Barca

Xilli xaalka sidaas yahay Barca waxaa gool cajiib ah oo Free kick ah u dhaliyay Messi waxa ayna aheyd daqiiqaddii 20-aad

Qeybta labaad , Barca durba waxaa lagu keenay goolka bar bar dhaca waxaana si qaldan isaga dhaliyay Jordi Alba daqiiqadii 49-ad ka dib kubad si cajiib ah loo dhisay

Athletic Bilbao qeybta labaad aad ayay wacnaayeen kubadna ula qeybsanayeen Barca kuwaasi oo mararka qaar fursado laga bad baadinayay waxaana sidaas sameynayay goolhayaha Athletic Bilbao .

Labada koox kubadda waa u furneyd qeybtii labaad inkastoo Barca maraka qaar ku badnaayeen heer dhan %62 ilaa ay ku keeneen gool labaad waxaan dhaliyay Antoine Griezmann daqiiqadii 75-aad ka dib baas uu ka helay Oscar Mingueza

Kooxda martida , ma niyad jabin isku dayana waa ay sameynayeen balse Barca daafac ahaan waa foojignaayeen dhamaakdkii , waxa ayna Barca badalkeedii ugu horeysay sameeysay daqiqiaidi 67-aad oo lagu soo giliyay Sergio Roberto oo loo saaray Miralem Pjanic waxaan xigtay daqiiqadii 87-aad oo ay soo giliyeen Clement Lenglet iyo Martin Braithwaite oo loo saaray Griezmann iyo Dembele

Si waiba waxa ay ciyaartaan adag ku dhamaatay guul ay gaareen Barcelona xilli daqiiqadihii dheeriga uu gool sedexaad u diiday goolyahaha Athletic Bilbao

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*