Antoine Griezmann Oo Barcelona U Sheegay Halka Koox Ee Uu Doonayo In Uu Ku Biiro.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda Barcelona u tilmaamay halka koox ee uu ku biirayo xagaagan hadii uu ka tagayo kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay iska fasaxdo xiddiga Antoine Griezmann iyaga oo doonaya in ay dhimaan mushaharka ay kooxdu bixiso si ay heshiis cusub uga saxiixato Lionel Messi.

Wargayska MARCA Ayaa sheegaya in uu xiddiga Antoine Griezmann u sheegay kooxda Barcelona in uu kaliya doonayo in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid hadii uu ka tagayo kooxda xagaagan.

Antoine Griezmann ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo premier League ah iyo waliba kooxaha PSG iyo Bayern Munich laakiin xiddiga reer France ayaa doonaya kaliya ku laabashada Atletico Madrid.

Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa in ay Atletico Madrid kala heshiiso saxiixa is dhaafsiga xiddigaha Antoine Griezmann iyo Saul Niguez iyada oo wadahaladu bur-bureen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*