“Anigu Sixiroole Ma Ihi”:-Mikel Arteta Oo Fariin Adag U Diray Maamulka Arsenal Kadib Guushii Liverpoool.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa digniin u diray maamulka kooxda Arsenal kadib guushii ay Arsenal ka gaadhay liverpool horyaalka Premeir League.

Kooxda Arsenal ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa todobaadkii 36-aad ee horyaalka premier League.

Inkasta oo ay kooxdiisu gaadhay guul hadana Arteta ayaa u arka in ay kooxdiisu u baahantahay saxiixyo badan oo cusub suuqa xagaaga.

Markii la waydiiyay in uu heli doono lacag uu ku xoojiyo kooxda ayuu yidhi”Ma garanyo, run ahaantii waa meesha aan ka wal-walsanahay”.

“Waxa uu tababare walba u baahanyahay lacag uu ku dhiso koox, waxa aan u baahanahay in aan helo xiddigo heer sareeya si ay kooxdu ugu tartanto koobab”.

“Anigu ma ihi sixiroole xiddigaha ka dhigaya kuwa ugu fiican adduunka laakiin waxa aan u baahanahay xiddigo heer sare oo kor u qaada kooxda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*