Anigu Kuma Qanacsani Qaab Ciyaareedkiisa.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Frank Leboeuf ayaa sheegay in uuna ku qanacsanayn qaab ciyaareedka xiddiga ugu qaalisan chelsea ee suuqa xagaagan ee Kai Havertz isaga oo sheegay in uuna xiddiga reer Germany ka soo bixi doonin lacagtii laga soo bixiyay.

Chelsea ayaa xiddiga Kai Havertz kas soo bixisay wax ka badna 70 milayn oo euro iyaga oo ka dhigay saxiixooda ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa chelsea imanaya isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay horyaalka Bundesliga gaar ahaan kooxda Bayer Leverkusen.

“Kuma qanacsani Havertz, anigu rajo fiican kama lihi”ayuu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay qaab ciyaareerka Werner, waa mid lagu qanci karo”ayuu u sheegay ESPN.

Sii Akhriso: Sheeko La Yaab Leh: Nin Muslim Ah Oo Loo Diiday Dhalasho Dalka Jarmalka Ah & Sababta Oo La Ogaaday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*