Andy Robertson Oo Kashifay In Uu Xidhay Maaliyada Chelsea & Sababta Uu U Xidhay.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa sheegay in uu sawir uu xidhanyahay maaliyada Chelsea u diray xiddigaha ay isku kooxda yihiin kaas oo ku diray ” WhatsApp group” ka hor intii ayna Liverpool ku guulaysan horyaalka premier League.

Daafaca Bidix ayaa go’aasaday in uu taageero chelsea kulankii Man City maadama uu ogaa guul ay kooxda Frank Lampard gaadho in ay Liverpool ku hogaaminayso horyaalka.

Xiddigaha Liverpool ayaa isugu yimid hudheelka si ay u daawadaan ciyaarta iyada oo uu Robertson xidhay maaliyada Chelsea ah oo uu ku qoranyahay magaca xiddiga ay isku xulka yihiin ee Billy Gilmour kaas oo uu ka qaatay kulankii FA Cup-ka ee dhexmaray chelsea iyo Liverpool.

“Maxay tahay in aad xidhato hadii aad tahay xiddig Liverpool ah waliba aad isku diyaarinayso maalintii ugu weynayd xirfadaada ciyaareed? waa mid fudud, maaliyada chelsea”ayuu xididgu ku qoray buugiisa Cusub.

“Xilli ay xiddigaha kale diyaar garoobayeen si ay ugu diyaar garoobaan kulanka oo aan horyaalka ku guulaysan karno, waxa aan aaday qolkayga waxana aan la soo baxay maaliyada uu Billy Gilmour i siiyay bilo yar ka hor”.

“Waxa aan iska qaaday sawir kadib waxa aan dhigay ” WhatsApp group”.

“Cid walba oo Liverpool ah waxa ay taageeraysay Chelea waxa kaliya ee ay u baahnaayeen ayaa ahayd Bar-baro si aan ugu guulaysano horyaalka”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*