Andy Robertson Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa Ka Hor Kulanka Leicester City.

Daafaca Kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa sheegay in uu si buuxda taam u yahay waliba diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka Leicester City ee Axada kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac yar oo ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa.

Daafaca bidix ee Liverpool ayuu shaki ku jiray kulanka Leciester City kadib markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa Scotland.

Liverpool ayaa ku dhibaatoonaysa dhaawacyo badan oo dhanaka daafaca ah laakiin Robertson ayaa sheegay in uu fiican yahay isagu.

“Haa, waxa aan dareemayaa in aan taam ahay”ayuu Robertson u sheegay website-ka Liverpool.

“Waxan u malaynayaa in aan xanuun ka dareemay muruqa kulankii Man City”.

“Kadib waxa uu xanuunku sii xoogaystay khamiistii kulankii Scotland kadib markii aan ciyaaray 120 daqiiqo iyo rikoodhayaal”.

“Axadii hore ma ciyaarin sababta oo ah waxa aan doonayay in aan soo kabsado laakiin ma ahayn dhaawac weyn oo laga wal-walo”.

“Waan ogahay in ay dadku iga wal-walsanaayeen laakiin taam ayaan ahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*