Andy Robertson Oo Ka Fal Celiyay Rikoodh Khaas Ah Oo Uu U Dhigay Liverpool Kulankii Sheffield United.

Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa ka fal celiyay kulankiisii 100-aad ee uu u saftay kooxda Liverpool klankii Sheffield United ee sabtidii.

Liverpool ayaa guul soo laabasho leh oo 2/1 ah ka gaadhay kooxda Sheffield United kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 6-aad ee premier League.

Andy Robertson ayaa ciyaaray kulankiisii 100-aad ee Liverpool tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Hull City xagaagii 2017.

Xiddiga ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Waxa sharaf ii ah in aan ciyaaray kulankaygii 100-aad ee kooxdan cajiibka ah”.

“Mar walba waxa fiican guusha waxana aan u dagaalanay sidii aan guul u gaadhi lahayn kulankii Sheffield”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*