Andros Townsend Oo Kashifay Sababtii Uu U Sameeyay Dabaal-Daga Ronaldo Kadib Goolkii Uu Ka Dhaliyay Man United.

Xiddiga kooxda Everton ee Andros Townsend ayaa kashifay sababtii uu u sameeyay dabaal-dega Cristiano Ronaldo kadib markii uu goolka ka dhaliyay kooxda Man United kulankii Premier League.

Andros Townsend ayaa ka yaabsaday adduunka kadib markii uu u dabaal-dagay qaabka Cristiano Ronaldo kadib markii uu goolka bar-baraha ka dhaliyay Man United sabtidii kulankii ka dhacay Anfield.

Xiddiga Andros Townsend ayaa sheegay in uuna Ixtiraam daro u hayn xiddiga Cristiano Ronaldo taasna sababta ay tahay in uu Ixtiraam daro u hayo xiddiga reer Portugal.

“Ronaldo waa Halyeeygayga, waxa aan koray aniga oo isaga daawada, waxa aan saacado badan ku qaataa tababarka si aan u sameeyo dabaal-dagiisa waxana aan u baahanahay in aan wali iska soxo dabaal daga”ayuu yidhi.

“Laakiin sababtii aan u sameeyay dabaal-daga Ronaldo waa Ixtiraam aan u hayo, waxa sharaf ii ah in aan garoonka kaga hor tago”ayuu si raaciyay.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*