Andros Townsend Oo Kashifay Qaabkii Uu Cristaino Ronaldo Uga Qaatay Maaliyada Kadib Kulankii Old Trafford.

Xiddiga kooxda Everton ee Andros Townsend ayaa shaaca ka qaaday qaabkii uu Cristiano Ronaldo uga qaatay maaliyadiisa kadib kulankii Old Trafford ka dhacay ee premier League.

Xiddiga Andros Townsend Ayaa qirtay in uu taageero weyn u yahay Ronaldo waliba ciyaarta kadib ka codsaday in uu ka helo maaliyadiisa.

“Waxa aan ujeedkayga ka dhigtay in aan helo maaliyada Cristiano Ronaldo, la’aantiis kama tageen Old Trafford”ayuu u sheegay talkSPORT.

“Markii ay ciyaartu dhamaatay waxa aan si toos ah u aaday isaga, ma garanayo wixii uu lahaa laakiin si cadho ku jirto ayuu u hadalayay waxana uu ku hadalayay luuqata Portugal, ma ahayn English”.

“Saddex jeer ayaan waydiistay maaliyadiisa laakiin ugu dambayn wuu i ogolaaday waxana uu ii sheegay in uu Gudaha igu siinayo”.

“Waxa aan muddo ku sugayay qolka Labiska, Nasiib wanaag waan ka helay maaliyada waanan haysan doonaa”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*