Andres Inisesta Oo Magacaabay 4-ta Xiddig Ee Ugu Dhamaystiran Kubada Cagta.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona haatana u ciyaara kooxda Vissel Kobe ee Andres Iniesta ayaa doortay 4-ta xiddig ee uu u arko xiddigaha ugu dhamaystiran dhanka kubada cagta Fikirkiisa.

Xiddiga reer Spain ayaa magacaabay xiddiga leh lugta Bidix ee ugu fiican, Lugta Midig, xiddiga ugu fiican dhanka madaxa iyo xiddiga leh awooda jidheed.

Iniesta ayaa xiddiga leh lugta Bixid ee ugu fiican ku magacaabay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi halka uu Halyeeyga Barcelona ee Xavi ku magacaabay xiddiga leh lugta midig ee ugu fiican kubada cagta.

Arinta laa yaabka leh ayaa ah in uu Iniesta Xiddiga Real Madrid ee Sergio Ramos ku magacaabay xiddiga ku fiican dhanka kubadaha madax ah halka uu xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo u magacaabay xiddiga ugu fiican dhanka awooda jidhka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*