Andreas Christensen Oo Qarka U Saaran In Uu Mustaqbalkiisa U Hibeeyo Chelsea

Daafaca Chelsea Andreas Christensen ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sii dhawaanayo heshiis cusub oo uu ku qaadanayo 120 kun oo Gini todobaadkii si uu u sii joogo kooxda difaacanaysa champions League.

Xiddiga reer Denmark ayaa muhiim ka noqday kooxda chelsea tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda Chelsea isaga oo ciyaaray kulamo badan.

Si kasta ha ahaatee heshiiskiisa haatan ee chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin daafaca dhexe ayaa horay u sheegay in uu doonayo sii joogista kooxda.

Haatan wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay chelsea horumar ka samaysay wadahadalada ay heshiiska cusub uga saxiixanayso xiddiga waliba uu xiddigu ku dhawyahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea kor u qaadayso mushaharka xiddiga oo haatan dhan 78 kun oo Gini todobaadkii isaa oo qaadan doona lacag dhan 120 kun oo Gini todobaadkii.

Sii Akhriso: Sideed Ku Garanaysaa Qofka Si Qarsoodi Ah Kaaga Fikirayo?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*