Andrea Pirlo Oo Sii Murgiyay Xaalada Paul Pogba Ee Man United, Muxuu Sameeyay?

Tababaraha kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa lagu soo waramayaa inuu si aad ah u doonayo inuu Paul Pogba keeno kooxda xagaaga soo aadan.

Saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa dhawaan sheegay in xiddiga reer France uu ku biiri lahaa kooxda Juventus suuqii xagaaga hadii uuna xanuunka Korona dilaacin.

Pogba ee Old Trafford ayaa loo kordhiyay ilaa June 2022, laakiin weli waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa iyada oo uu xiddiga 27 jirka ah waayay booskiisa 1-aad ee kooxda Man United.

Juve muddo dheer ayaa lagu tiriyaa inay xiiseyneyso xiddigeedii hore sida uu sheegay wagryaka aTuttoJuve, Pirlo ayaa si aad ah u doonaya in uu xiddiga koobka adduunka ku guulaystay keeno kooxdiisa xagaaga dambe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu Pogba diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu laabto kooxdiisii hore xagaaga.

Doonista Pirlo ee Pogba ayaa sii murginaya xaalka kooxda Man United maadama uu xiddigu markii horeba baxsad ka ahaa kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Sii Akhriso: Qorshihii Doorashada Ee Heshiiskii Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada oo Fashilmay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*