Andrea Pirlo Oo Loo Qabtay Laba Kulan Oo Uu Ku Badbaadiyo Shaqadiisa.

Mustaqbalka Tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo ayaa u muuqda mid ku jira todobaadyadii ugu dambeeyay ee shaqadiisa kooxda Juventus xilli uu cadaadisku ku sii badanayo.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus shaqada ka caydhin doonta Andrea Pirlo hadii ay kooxdu natiijooyin fiican ka heli waydo labada kulan ee Torino ama Napoli.

Kooxda Juventus ayaa la ciyaari doonta kooxaha Torino iyo Napoli kadib fasaxa xulalka laba kulan oo muhiim u ah kooxda Juventus iyo rajadeeda difaacashada horyaalka Serie A-da.

Si kasta ha ahaatee wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu Pirlo waayi doono shaqadiisa hadii ay kooxdu labadaas kulan badin waydo.

Kooxda Juventus ayaa ku jirta xilli ciyaareed xun iyaga oo kaalinta 3-aad kaga jira kala saraynta horyaalka sidoo kale laga reebay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*