Ancelotti Oo Magacaabay Laba Arin Oo Xulka Brazil U Baahanahay Si Uu Ugu Guuleysto Koobka Addunka.

Tababaraha xulka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa sheegay laba arrimood oo ay tahay in xulkiisu sameyso si ay ugu guuleystaan Koobka 2026.

Ancelotti ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kulanka saaxiibtinimo ee Brazil ay la ciyaari doonto Croatia caawa, saacaddu markay tahay 10:00 fiidnimo , kaas oo ka dhici doona garoonka Camping World Stadium ee magaalada Orlando, gobolka Florida, dalka Mareykanka.

Tababaraha Talyaaniga ah ayaa qiray in Brazil ay u baahan tahay labo waxyaalood si ay koobka ugu guuleysato: tayada ciyaartoyda iyo difaac adag.

Wuxuu yiri: “Dabcan, diyaar ayaan nahay Labadii koob ee ugu dambeeyay ee Brazil (1994 iyo 2002) waxay ku saleysnaayeen isku dheelitirnaan qumman oo u dhaxaysa tayo iyo difaac.”

“Taariikhdu si cad ayay u muujineysaa: haddii Brazil rabto inay guuleysato, waa inay lahaataa tayo — taas waan haynaa — iyo sidoo kale difaac wanaagsan. Ma jiro waddo kale. Kuma raacsani in la ciyaaro kaliya kubad weerar ah.”

Brazil waxa ay ku jirtaa Group C ee Koobka Adduunka, waxaana la wehliya xulalka Scotland, Haiti iyo Morocco.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga