Amad Diallo Oo Si Maldahan U Sheegay Tababaraha Joogtada Ah Ee Man United

Xiddiga Manchester United, Amad Diallo, ayaa muujiyay muhiimada uu leeyahay Michael Carrick kadib kororka wanaagsan ee waxqabadka kooxda.

Carrick, oo hore uga tirsanaa khadka dhexe ee United, ayaa loo dhiibay xilka si ku meel gaar ah kadib markii shaqada laga eryay Ruben Amorim.

Amad ayaa sheegay in Carrick uu keenay deganaansho, kalsooni iyo faham qoto dheer oo ku saabsan kooxda, taasoo gacan ka geysatay soo kabashada Red Devils iyo natiijooyinka wanaagsan ee ay dhowaan gaareen.

Michael Carrick ayaa saxiixay heshiis soconaya ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo ay jiraan baaqyo ku aaddan in si rasmi ah loogu magacaabo tababaraha joogtada ah ee Manchester United.

Arrintan ayaa timid kadib markii United ay gaartay afar guul iyo hal barbaro shantii kulan ee ugu dambeysay, taasoo keentay in Red Devils ay kor ugu kacaan boosaska u soo baxa Champions League.

Garabka Manchester United, Amad Diallo, ayaa si weyn u amaanay tababare Michael Carrick, isagoo siiyay qiimeyn aad u wanaagsan.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka Inside Carrington podcast, Amad wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa in in Michael Carrick uu noqdo tababaraha kooxda ay aad muhiim u tahay sababtoo ah wuu garanayaa kooxda.”

Hadalkan ayaa muujinaya kalsoonida ay ciyaartoydu ku qabaan Carrick, maadaama uu yahay qof si qoto dheer u fahamsan dhaqanka iyo taariikhda Manchester United.

Amad Diallo ayaa sii watay amaanta uu u jeediyay tababaraha Manchester United, Michael Carrick, isagoo yiri:

“Isagu waa qofka ugu muhiimsan ee noo sheegi kara kooxda aan u ciyaareyno. Kahor kulamada wuxuu mar walba nagu yiraahdaa: idinku waxaad u ciyaareysaan naftiina, laakiin sidoo kale waxaad u ciyaareysaan taageerayaasha. Wuxuu na xasuusiyaa in taageerayaashu ay aad noogu muhiim yihiin.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga