Alvaro Morata Oo Guul Ku Hogaamiyay Juventus Kulankoodii Ugu Horeeyay Ee Champions League.

Kooxda Juventus ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda champions League kulan ay la ciyaareen kooxda Dynamo Kyiv kana dhacay garoonka Stadion NSK Olimpiyskiy.

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag kooxda Juventus marka loo eego in ay kooxda Dynamo Kyiv iska caabisay inta badan ee ciyaartu socotay.

Kooxda Dynamo Kyiv ayaa Juventus ku qasabtay in ay bar-baro gool la’aan ah kala baxdo kulanka qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo ay ahaayeen kooxda ku gacan saraysa kulanka.

Qaybtii dambe ayay Juventus qaab dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay furaan goolasha ciyaartana wax ka badalaan.

Daqiiqadii 46-aad ayay kooxda Juventus dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Dynamo Kyiv ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo cadaadis xoogan saaray kooxda Juventus waliba sameeyay fursado fiican.

Laakiin daqiiqadii 84-aad ayay Kooxda Juventus gabi ahaan dishay ciyaarta kadib markii uu Alvaro Morata u dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus guul muhiim ah ku bilaabatay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*