Alisson Oo Kashifay Sababtii Uu Sida Waalida Ah Ugu Dabaal Dagay Goolkii Uu Mohamed Salah Ka Dhaliyay Man United.

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alison ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu sida waalida ah ugu dabaal dagay goolkii uu Mohamed Salah ka dhaliyay Man United kulankii ka dhacay Anfield ee ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Alisson ayaa caawiye ka noqday Goolka kadib markii uu kubad dheer u laaday Salah oo meel cidlo ah jooga daqiiqadihii ugu dambeeyay xilli ay Man United u dadaalaysay goolka bar-baraha.

Dabaal dagaas ayaan ahayn midkii ugu horeeyay ee uu Goolhaye Liverpool ah ka sameeyo Anfield maamada uu Goolhayihii hore ee Liverpool Pepe Reina dabaal dagaas oo kale sameeyay snaadkii 2010 kulan ay Liverpool la ciyaaraysay Sunderland.

Alisson oo la hadlay website-ka Liverpool ayaa yidhi” Run ahaantii waxa ay ahayd xaalad cajiib ah, waligay ma iloobi doono goolkaas iyo caawinta aan sameeyay”.

“Cid walba waxa ay xasuusataa sidii aan u orday una dabaal dagay waana wax aan horay samayn sababta oo ah mar walba waxa aan ku hor dabaal dagaa goolka hortiisa”.

“Waxa muhiimka ah ayaa ahaa Kulanka waxana aan diirada saarayay ciyaarta iyo daqiiqadihii ugu dambeeyay sababta oo ah 1/0 ayaan ku hogaaminaynay ciyaarta waxana aan sugi kari waayay inta ay ciyaartu dhamaanayso si aan ula dabaal dago xiddigaha aan isku kooxda nahay kadib waan orday”.

“Kulankaas ka hor waxa aan daawada dabaal dagii Pepe Reina sameeyay waxa aan dareemay in aanan kaligay dabaal dagi karin sidaas darteed waan orday waanan dabaal dagay waxa ahayd ahayd wakhti caiib ah”

Sii Akhriso: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka Hadlay Qorshaha Dawlada Ee Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*