Ali Daei Oo Fariin U Diray Cristiano Ronaldo Kadib Markii Uu Jabiyay Rikoodhkiisii Taariikhiga Ahaa.

Halyeeyga reer Iran Ali Daei ayaa ugu hambalyeeyay Cristiano Ronaldo inuu barbareeyay rikoorkiisa dheer ee ah inuu yahay ciyaaryahanka ugu goolasha badan kubada cagta caalamiga ah.

Xiddiga reer Portugal ee Ronaldo ayaa dhaliyay 2 gool oo rikoodhe ah kulankii uu xulka Portugal bar-baraha la galay xulka France kana tirsanaa tartanka Euro 2020.

Daei ayaana fariin u diray Cristiano kadib markii uu bar-bareeyay rikoodhka taariikhdiga isaga oo noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta caalamiga ah.

Daei ayaa ku soo qoray bartiisa Instagram-ka “Waxaan u hambalyeynayaa Cristiano, oo hadda hal gool u jira inuu jabiyo rikoorka gooldhalinta kubada cagta caalamiga ah”.

“Sharaf ayay ii tahay In rikoodhka cajiibka ah uu jabiyay Cristiano, Ronaldo waa Halyeey weyn oo kubada cagta ah, sidoo kale waa shaqsi daneeya dadka, waliba saamayn weyn ku yeesha Nolosha adduunka oo dhan”.

Daei, oo hadda ah 52 jir ayaa lagu qiimeeyaa in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta Aasiya waxana uu dhaliyay 109 kaliya 149 kulan oo uu ciyaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*