Alexis Sanchez Oo Ku Digtay Man United Markii Uu Si Toos Ah Ugu Biiray Inter Milan.

Alexis Sanchez ayaa ku digtay kooxda Man United kadib markii uu si toos ah uga tagay kooxda kuna biiray Inter Milan isaga oo sheegay in ruuxda Inter Milan ka fiicantahay mida Man United.

Xiddiga reer Chile ayaa si toos ah ugu biiray Inter Milan todobaadkan soona afjaray wakhti adag oo uu ku soo qaatay kooxda Man United.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa United kaga soo biiray Arsenal sanadkii 2018 laakiin waxa uu ka mid noqday saxiixyada ugu xun taariikhda Man United.

Sanchez oo todobaadkii mushahar uga qaadanayay Man United 500 kun oo Gini ayaa kaliya dhaliyay 5 gool oo premier League 2 sano oo uu joogay kooxda Man United.

“Run ahaantii waan faraxsanahay in aan si toos ah ugu wareegay Inter, Waxa aan Inter Milan ka helay qoys waxana aan la shaqeeyaa shaqaale fiican”.

“Kooxda Inter Milan waa koox doonaysa in ay wax weyn ku guulaysato, dadka halkan waxa ay u dagaalamayaan si koox ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*