Alex Oxlade-Chamberlain Oo Go’aan Ka Gaadhay Ku Laabashada Arsenal Kadib Xiisaha Gunners.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu ku laabto Arsenal si uu u badbaadiyo xirfadiisa ciyaareed sida ay sheegayaan wararku.

Go’aanka Alex Oxlade-Chamberlain ayaa imanaya kadib xiisihii ay Arsenal u muujisay saxiixa xiddiga kaas oo horay uga soo ciyaaray Emirates.

Sida laga soo xigtay Daily Mirror Alex Oxlade-Chamberlain ayaa dyaar u ah in uu ku biiro kooxda Arsenala hadii uu is badali waayo xaalkiisa kooxda Liverpool wakhtiga soo socda.

Xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain ayaa diyaar u ah in uu u dagaalamo booskiisa Liverpool laakiin hadii uuna xaalkiisu is badalin waxa uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Arsenal.

Mikel Arteta ayaa la sheegayaa in uu diyaar u yahay in uu Alex Oxlade-Chamberlain dib ugu soo celiyo Emirates si uu ugu xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*