Alex Lacazette, Gabriel Martinelli Oo Ciyaaray Kulan Sabtininmo Ah Oo Ay Gunners La Ciyaartay QPR.

Xiddigaha Alex Lacazette & Gabriel Martinelli ayaa ku bilowday shaxda Arsenal xilli ay Arsenal 3/2 ku garaacday QPR kulan ka dhacay garoonka tababarka Gunners.

Mikel Arteta ayaa haysta dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah kuwaas oo aan looga yeedhin xulalkooda waxana uu go’aansaday in uu u qabto kulan saaxiibtinimo oo Albaabadu u xidhanyihiin.

Alex Lacazette ayuu heshiiskii Arsenal dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana aad loo filayaa in uu isaga tago kooxda xagaaga halka xiddiga Gabriel Martinelli la sheegayo in uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kooxda.

Sida laga soo xigtay Football.London, Labada xiddig ayaa ciyaaray kulan ay Arsenal 3/2 ku garaacday QPR kulan saaxiibtinimo oo ay Albaabadu u xidhanyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*