Albert Sambi Lokonga Oo Ku Dhaw In Uu Noqdo Xiddig Arsenal Ah.

Xiddiga khadka dhexe ee Albert Sambi Lokonga ayaa qarka u saaran inuu noqdo Xiddig Arsenal ah sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Anderlecht ayaa haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Arsenal iyada oo ay labada kooxood wax walba ka heshiiyeen.

Sidoo kale xiddiga Albert Sambi Lokonga ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Arsenal waxana haatan la sugayo ayaa ah in ay kooxdu ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay kooxda Arsenal haatan isku diyaarinayso in ay ku dhawaaqdo saxiixa waliba dhawaan la filayo in ay kooxdu ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga.

Isla saxafiga ayaa sheegay in uu xiddiga Albert Sambi Lokonga iska diiday laba dalab oo uga yimid horyaalka Serie A-da isaga oo doortay in uu ku biiro kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*