Albania Vs England & Kulamda Caawa Ee Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka La Ciyaari Doono.

Waxa sii socon doonaa kulamada is reeb-reebka qaarada yurub ee koobka adduunka iyada oo la ciyaari doono kulamo xiiso leh caawa kuwaas oo ka tirsan kulamada is reeb-reebk todobaadkoodii 2-aad.

Xulalka ugu tunka weyn ayaa ciyaari doona kulamadoodoo 2-aad iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guulo muhiim ah gaar ahaan kuwiii aan guusha gaadhin kulamadii ugu horeeyay ee is reeb-reebka.

Xulka Qaranka England ayaa marti u noqon doona xulka Albania kulan oo dhici doona 7:00 Fiidnimo wakhtiga Somaliya halka uu xulka Spain la ciyaari doono xulka Georgia isla wakhtigaas.

Xulka Qaranka Italy ayaa dhankiisa marti u noqon doona xulka Bulgaria 9:45 Habeenimo halka xulka Germany marti u noqon doono xulka Romania kulan soo dhici doona isla wakhtigaaas.

Waxa jira kulamo badan laakiin kulamada kor ku xusan ayaa ah kuwa waaweyn ee ay xulalka waaweyn ciyaari doonaan waliba sida weyn loo daawan doono.

Sidii caadada ahayd kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta natiijooyinka dhamaan kulamada isla marka ay dhamaadaan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*