Halyeeyga Newcastle United, Alan Shearer, ayaa magacaabay laba “faa’iido” oo ay Arsenal dheertahay kooxaha sida Manchester City iyo Liverpool xilli ay ku jiraan tartanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa haatan hogaamineysa kala sarreynta Premier League, iyadoo afar dhibcood ka horeysa Bournemouth oo ku jirta kaalinta labaad, halka Man City iyo Liverpool ay ku jiraan kaalmaha 5-aad iyo 7-aad.
Si kastaba ha ahaatee, Shearer wuxuu aaminsan yahay in kooxda Mikel Arteta ay leedahay faa’iido weyn oo ka sarreysa City iyo Liverpool sababtoo ah “halista ay ka abuuri karaan goolal ka yimaada kubadaha karooska ama kubadaha dhaadheer.
“Faa’iidada weyn ee Arsenal ka leeyihiin Liverpool, Man City, iyo cid kasta oo kale oo u maleyneysa inay tartami karto waa difaaca iyo goolalka ka yimaada karoosyada ama tuurashada dheer”ayuu yidhi Shearer yidhi.
“Waxay ku jiraan kaalinta 1-aad sababta oo ah awoodooda ay ciyaarta ku badin karaan xitaa marka ayna si wanaagsan u ciyaarayn”.
“Taasi waxay ka dhalatay kubadaha dhaadheer Iyo karoosyada Iyo difaacooda wanaagsan, waana sababta ay hadda hogaanka ugu hayaan Premier League si cad.”
Be the first to comment