Alan Shearer Oo Soo Xushay Shaxda Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka Premier League.

Halyeeyga Premier League ee Alan Shearer ayaa doortay shaxdiisa ugu fiican xilli ciyaareedka premier League kadib markii uu dhamaaday horyaalku.

Axadii hore ayaa la ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka premier League iyada oo lagu kala baxay ku guulaysiga horyaalka iyo boosaska kale.

Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedka waliba si weyn u caawiyay kooxohooda intii uu socday xilli ciyaareedku.

Alan Shearer oo ka so ciyaaray premier League waliba garanaya horyaalka ayaa soo xushay shaxda uu u arko in ay ugu fiicantahay xilli ciyaareedka.

Halyeeyga Newcastle ee Alan Shearer ayaa soo xushay 11-kii xiddig ee qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay xilli ciyaareedka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig halka ay kooxda Man City ku leedahay 4 xiddig shaxda.

Kooxaha West Ham iyo Tottenham ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig kuwaas oo ka mid ahaa xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Image