Alan Shearer Oo Soo Xushay Shaxda Ugu Fiican Todobaadkan Horyaalka Premier League

Halyeeyga Premeier League ee Alan Shearer ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican horyaalka Premier League todobaadkii xalay soo afjarmay ee horyaalka.

Waxa todobaadkan la ciyaaray kulamo xiiso leh oo ka tirsan horyaalka premier League iyada oo ay kooxo badan gaadheen natiijooyin fiican halka qar kale ka gaabiyeen natiijadii ay doonayeen.

Kooxaha Man City, Man United, Leicester City Liverpoool & Arsenal ayaa guulo gaadhay horyaalka premier League kulamadii todobaadkan ee horyaalka.

Kooxda chelsea aya dhankeeda Lumisay fursad cajiib ah iyaga oo bar-baro ku dhaafi waayay kooxda Leeds United halka ay Tottenham iyo Everton la kulmeen guuldarooyin.

Halyeeyga Alan Shearer oo ah xiddiga ugu goolasha badan Premier League ayaa soo saaray shaxdiisa ugu fiican ee horyaaka premier League todobaadkan.

Kooxaha Leicester City iyo Burnley ayaa shaxda Alan Shearer xiddigaha ugu badan ku leh iyaga oo ku leh min 2 xiddig.

Kooxaha Chelsea, Man United, Liverpool, Leeds, Arsenal iyo Tottenham ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda Alan Shearer ee ugu fiican todobaadka.

Image

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*