Alan Shearer Oo Soo Xushay Shaxda Ugu Fiican Ilaa Haatan Premier League.

Halyeeyga reer England ee Alan Shearer ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ugu goolasha badan ayaa soo xushay 11-ka xiddig ee ilaa haatan ugu fiican premier League isaga oo 8 kooxood ka soo xushay shaxdiisa.

Kooxaha Tottenham, Aston Villa iyo Liverpool ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda Alan Shearer ee ugu fiican ilaa haatan premier League.

Sidoo kale kooxaha Chelsea, Leicester City, Everton, Southampton iyo Man United ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda Alan Shearer .

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*