Alan Pardew Oo Magacaabay Kooxda Arsenal Kulan Tartami Karta Premier League Iyo Xiddiga Sabab U Noqon Kara.

Alan Pardew ayaa aqoonsaday kooxda ugu weyn ee Arsenal kula tartami doonta horyaalka, kaddib markii Gunners ay sii kordhiyeen hoggaankooda horyaalka Premier League.

Arsenal, oo saddexdii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay ku dhammaatay kaalinta labaad, ayaa afar dhibcood ku hoggaantay horyaalka kadib guul 1-0 ah oo ay Axadii ka gaareen Crystal Palace.

Waxay ahayd toddobaad dhalaalaya oo u gaar ah kooxda Mikel Arteta, kuwaas oo aan kaliya garaacin koox adag oo London ah, balse sidoo kale arkay Liverpool, Manchester City iyo Chelsea oo dhammaantood laga badiyay.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool ayaa dhibaatooyinkeedii sii watay iyadoo lagu garaacay Brentford, Manchester City ayaa mar kale ku dhacday Aston Villa, halka Chelsea-na la yaab ku noqotay guuldarro ay kala kulantay Sunderland.

Natiijooyinkii lama filaanka ahaa waxay ka dhigeen Bournemouth — oo si cajiib ah u ciyaareysa — kooxda ugu dhow ee Arsenal kula tartamaysa horyaalka, halka Tottenham ay ku jirto kaalinta saddexaad, iyo Sunderland oo dhowaan soo gashay Premier League ayna ku jirto kaalinta afraad kadib bilow cajiib ah oo ay xilli ciyaareedkan sameeyeen.

Dhawr falanqeeye ayaa Arsenal u saadaaliyay ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareerdkan laakiin Alan Pardew ayaa wali filaya in ay Man City tartanka Soo gasho.

Kooxda Pepe Guardiola ayaa ku dhamaystay kaalinta 3-aad Xilli Ciyaareerdkii hore waxana ay Xilli Ciyaareerdkan muujisay jilicsanaan.

Si kasta ha haatee Alan Pardew ayaa aaminasan in ay Man City tartanka Soo gali karto hadii uu Guardiola taageero u helo Haaland oo haatanba dhaliyay 24 gool Tartamada oo dhan.

“Ma garanayo in ay Man City dareenaysay daal ay ka qaaday Kulankii Champions League laakiin Guuldaradii Aston villa waxa ay ahayd dhirbaaxo”ayuu yidhi.

” Waxana filayaa in ay Man City tartan adag gali Doonto laakiin Dhibta kaliya ayaa ah in ay ku tiirsantahay kaliya Haaland”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga