Ake, Sancho, Gerrard, Havertz, Oblak, Ozil, Ceballos, Fernandes & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa lagu dhawyahay dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo la filayo in uu suuqa kala iibsiga xagaagu furmo kadib marka ay dhamaadaan dhamaan tartamada xilli ciyaareedkan.

Kooxaha reer yurub ayaa sii dajisanaya qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ayna wax masuul ah ka ahayn wararka aan soo gudbinayno laakiin aan ka soo qaadanay wargaysyada ku hor xusan.

Manchester City ayaa ku dhow inay dhameystirto saxiixa daafaca Bournemouth iyo xulka Netherlands Nathan Ake, oo 25 jir ah (Guardian).

Man United ayaa dalab qaado ama ka tag ah oo 80 milyan oo euro ka gudbin doonta saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho (Star).

Kooxda Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Bayer Leverkusen oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kai Havertz (Sky Sports).

Laakiin kooxda Bayer Leverkusen ayaa dooneysa lacag ka badan 90 milyan hadii ay iibinayso xiddiga reer Germany (Sun).

Tababaraha Rangers Steven Gerrard ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee Bristol City si uu u noqdo tababarahooda cusub, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu iska diiday (Bristol Post).

Xiddiga qadka dhexe ee reer Spain Dani Ceballos, oo 23 jir ah, ayaa ku faraxsanaan lahaa inuu sii joogo Arsenal ciyaareedka soo socda ka dib markii uu ka caawiyay Gunners inay gaarto finalka FA Cup (Sky Sports).

Chelsea ayaa loo sheegay in ay bixiso lacagta 110 milyan ah ee lagu bur-burin karo heshiiska Goolhaye Jan Oblak hadii ay doonayso saxiixa Goolhayaha Atletico Madrid (Gola).

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Jarmalka Mesut Ozil, oo 31 jir ah, ayaa iska diiday dalab uga yimid kooxda Turkiga Fenerbahce (Bild).

Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa in ay heshiis Isku badalasho ah Liverpool kaga qaadato xiddiga Mohamed Salah iyaga oo miiska u saaraya xiddiga Lautaro Martínez (Calciomercato).

Kooxda Juventus ayaa wadahadalo la qaadatay tababarihii hore ee kooxda Tottenham Mauricio Pochettino si ay uga dhigaan tababaraha cusub ee kooxda xilli ciyaareedka dambe (Sun).

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Valencia ee Geoffrey Kondogbia (Sun).

Mustaqbalka David de Gea ee Man United ayuu shaki weyn soo fuulay kadib qaab ciyaareedkii liitay ee Semi-finalkii FA Cup-ka (Sun).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la qaadanaysa Dean Henderson Todobaadka dambe si ay ugu qanciso in uu yimaado Old Trafford (Mail).

Man United ayaa wajahaysa in ay bixiso lacag kale sabab la xidhiidha shardi ku jiray heshiiskiisa xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Norwich City ee Jamal Lewis (Express).

Marcos Alonso ayaa isaga tagi doona kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Sevilla (Express).

Sii Akhriso: Musharaxa Madaxtinimo Ee Dalka Maraykanka Oo Balan Qaad U Sameeyay Dadka Muslimiinta Ah Soona Xigta Xadiiskii Nabi Mohamed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*