Aguero Mise Depay? Taageerayaasha Barcelona Oo Doortay Xiddiga Ay Doonayaan In Ay Kooxdoodu La Soo Saxiixato.

Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa fikirkooda ka dhiibtay xiddiga ay tahay in ay kooxda Barcelona la soo saxiixato suuqa xagaaga iyaga oo kala doortay xiddigaha Mephis Depay iyo Sergio Aguero.

Kooxda Man City ayaa shalay xaqiijisay in uu Sergio Aguero isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhaco heshiiskiisa kooxda waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona.

Dhanka xiddiga Mephis Depay ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Barcelona kaas oo uu tababare Ronald Koeman doonayay in uu ku xoojiyo weerarkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska MARCA ayaa taageerayaasha Barcelona waydiiyay su’aal ah mid ay fiicantahay in ay kooxda Barcelona la soo saxiixato xiddigaha Memphi Depay ama Sergio Aguero marka la gaadho suuqa xagaaga.

59% Taageerayaasha Barcelona ayaa doortay in ay kooxdoodu u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Holland ee Mephis Depay halka ay kaliya 41% doorteen xiddiga kooxda Man City ka tagi doona ee Sergio Aguero.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*