AFAR Go’aan Oo Ay Tahay In Uu Zinedine Zidane Kala Cadeeyo Ka Hor Kulanka Man City.

Zinedine Zidane iyo ciyaartoydiisa Real Madrid ayaa ku soo laabtay tababarka iyagoo indhaha ku haya kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka ee champions league ee ay la ciyaari doonaan Man City.

Real Madrid ayaa u baahan in ay ka soo laabato guuldaro 2/1 ah ah oo ay Man City kala kulantay waxana ka maqnaan doona kabtankooda Sergio Ramos.

Xiddigaha Thibaut Courtois, Dani Carvajal, Eder Militao, Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric & Karim Benzema ayaa shaki la’aan ku bilaaban doona hadii ayna wax cusub soo kordhin laakiin boosaska inta kale ee shaxda ayaan la hubin iyada oo xiddigo badan ku tartami doonaan.

Mendy Mise Marcelo:

Labadan xiddig ayaa ah shakiga kaliya ee uu Zidane ka qabo daafaca, Ferland Mendy ayaa dhamaystay horyaalka La Liga isaga oo gool ku dhamaystay xilli uu xiddiga reer Brazil dhaawacnaa.

Laakiin haatan Mecelo ayaa soo laabtay waxana uu wax weyn ku soo kordhin karaa weerarka halka uu Mendy diyaar u yahay in uu hor istaago weerrka Man City.

Isco Mise Valverde:

Hadii uu Zidane ku ciyaaro 4-4-2 waxa uu u baahan doonaa Isco ama Valverde in ay khadka dhexe kala ciyaaraan xiddigaha Casemiro, Kroos & Modric.

Valverde ayaa kooxda ku soo kordhin doona difaac fiican halka Isco uu kooxda ku soo kordhin doono weerar halis ah marka ay kubada haystaan.

Hazard Mise Vinicius:

Eden Hazard ayaa dhaawac la dhibaatooday xilli ciyaareedkan Vinicius Junior ayaana ahaa badalkiisa weerarka.

Xiddiga reer Belguim ayay u badantahay in uu ciyaaro hadii uu taam noqdo laakiin waxa la sugi doonaa in uu soo kabsado maalmaha soo socda.

Vinicius Junior ayaa ku bilaaban doona shaxda hadii uu Hazard seego kulanka sidii horay u dhacday xilli ciyaareedkan.

Asensio Mise Rodrygo:

Hadii uu Zidane ku ciyaaro shaxda 4-3-3 Waa in uu kala doorto xiddigaha Marco Asensio Ama Rodrygo Goes.

Labada xiddig ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii ay kubadu soo laabatay waxana ay haystaan fursad ay ku ciyaaraan labadooduba.

Sii Akhriso: WARBIXIN: 5 Qof Oo Ugu Cad-cad In Ay Noqdaan Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*