Adrien Rabiot Oo Dagaal Dhanka Suuqa Ah Dhex-Dhiga Laba Koox Oo Waaweyn, La Liga & premier League Ayay Ka Kala Ciyaaraan.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Adrien Rabiot ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaal dhex-dhigay kooxaha Man City iyo Barcelona sida ay sheegayaan wararku.

Inkasta oo uu ku bilowday 52 kulan sidoo kale badal ku soo galay 19 kulan oo kale tan ilaa markii uu kooxda Juventus yimid xagaagii 2019 hadana Adrien Rabiot ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in kooxda Juventus diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga reer France marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxaha Barcelona iyo Man City ayaa la sheegayaa in ay doonayaan saxiixa xiddiga Rabiot si ay ugu xoojiyaan khadkooda dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Barcelona ayaa Rabiot doonaysay ka hor intii uuna ku biirin kooxda Juventus waxana la sheegayaa in ay dib u soo cusboonaysiinayso xiisaha ay u qabtay saxiixa xiddiga.

Dhanka kale Man City ayaa xiddiga Rabiot u aragta badalka mustaqbalka ee xiddiga Fernandinho kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*