“Adiga Ayaa Sabab U Ah In Uu Messi Ka Tago Barcelona” Waa Kuma Xiddig Ay Taageerayaasha Barcelona Ku Aflagaadeeyeen Tababarka.

Taageerayaasha Kooxda Barcelona ayaa tababarka ku aflagaadeeyay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann Iyada oo taageerayaashku ku eedeeyeen in uu sabab u yahay bixitaanka Lionel Messi ee Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday khamiistii bixitaanka Lionel Messi kadib markii ay kooxdu ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixdaan.

Kooxda Barcelona ayaa bixitaanka Messi ku eedeeyay xeerka La Liga ee dhaqaale wanaaga iyada oo kooxda loo diiday in ay heshiis cusub ka saxiixdaan ilaa inta ay dhimayaan mushaharka ay bixiso koxdu

Antoine Griezmann ayaa kooxda mushahar ahaan uga qaata inta u dhexeaysa 590 kun oo Gini ilaa 795 kun taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu mushaharka badan kooxda waliba uu iska diiday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si ay kooxdu heshiis cusub uga saxiixato Lionel Messi.

Taageerayaasha Barcelona oo aad uga xanaaqay bixiaanka Messi ayaa si deg-deg ah cadhadooda ugu jeediyay xiddiga Antoine Griezmann iyaga oo ku oriyay xiddiga markii uu yimid tababarka.

Waxa la maqlay taageerayaasha oo ku qaylinaya”Adiga ayaa leh khaladka”, “Messi adiga dartaa ayuu u tagay”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*