Adel Rami: Difaacashada Lionel Messi Ayaa Haatan Ka Sahlan Sidii Hore, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Daaficii hore ee reer France ee Adel Rami ayaa sheegay in difaacashada Lionel Messi ay haatan tahay mid ka sahlan sidii hore.

Lionel Messi ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan uguna fiican taariikhda kubada cagta iyada oo xitaa lagu qiimeeyo mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta.

Xiddiga Messi ayaa u ciyaara kooxda PSG kadib markii uu ka tagay kooxda Barcelona laakiin ma soo bandhigin qaab ciyaareed fiican ilaa haatan kulamada uu ciyaaray.

Adel Rami oo la hadlaya Goal ayaa yidhi”wali kama guulaysan Lionel Messi, arintaas waa run, waligay kama badin Messi kulan laakiin waxa jira kulamo aan bar-baro la galay”.

“Waxa uu ahaa mid awood badan laakiin haatan waxa fududaatay in laga difaacdo goolka sababta oo ah ma soo bandhig qaab ciyaareedkii horay uu u soo bandhigi jiray”.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: La Wadaag Qofka Aad Jeceshahay Fariimahan Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*