Achraf Hakimi Oo Fariin U Diray Arsenal Kadib Markii Ay La Xidhiidheen Wakiilkiisa.

Xddiga Garabka Midig ee daafaca uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Achraf Hakimi ayaa Arsenal u sheegay in uuna qabin rabitaanka ah in uu isaga tago kooxda Inter Milan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa xiddiga Achraf Hakimi u calaamadsatay badalka xiddiga Hector Bellerin waxana ay xitaa la xidhiidheen wakiilkiisa si ay ugala hadlaan suurtagalnimada uu ugu biiri karo Emirates.

Laakiin Achraf Hakimi ayaa Arsenal u sheegay in ay iska iloobaan saxiixiisa maadama uuna meelna uga socon kooxda Inter Milan doonayana in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Achraf Hakimi oo la hadlaya wargayska La Repubblica ayaa yidhi”Kooxdii aadka ii soo jiidatay waa Inter Milan waxana aan aarkay kor u kaca mashruucooda”.

“Sharaf ayay ii tahay in aan u ciyaaro kooxda Inter Milan waxana aan horay u eegayaa mustaqbalka iyo waxa aan ka dhigi karno Inter Milan waxa aan rajaynayaa in aan muddo dheer sii joogo kooxda”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*