AC Milan Oo Wadahadallo Wax Ku Ool Ah Kula Jirta Chelsea , Ciyaaryahan Ayay Ka Dooneysaa

Kooxda AC Milan ayaa wadahadallo la furtay dhiggooda Chelsea oo ay ka doonayaan mid ka mid ah ciyaartooyda kooxda inta suuqa xagaaga uu furan yahay

Sida Sky Sport ay sheegeyso Milan waxa ay isha ku hayaan in ay xagaagaan ku guuleystyaan saxiixa Tiemoué Bakayoko

Waxaa xusid mudan in Tiemoué Bakayoko uu Milan horray ugu soo ciyaaray qaab amaah xilli ciyaareedkii 2018/2019-ka , waxa ayna haatan doonayaan in mar kale dib u cheshtaan .

Waxaa la xusayaa in Milan doonayaan in laacibkaas ku helaan amaah iyaga oo bixinaya aduun dhan sedex milan oo euro

Dalabkaas waxaa ku jira qodob xusaya in ugu dambeyn ay ku iibsan doonaan aduun dhan 35 milyan oo euro

Laacibkaas amaahda ku qaatay xilli ciyaareedkii hore kooxda Monaco ayaa la xusayaa in dhankiisa uu diyaar u yahay in mar kale uu ku laabto AC Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*