
Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay Ac Milan kulan ka tirsanaa isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub.
Slot ayaa shaxdiisa ku bilaabay saxiixiisa ugu qaalisan ee Florian Wirtz kaas oo ku bilowday weerarka tooska ah.
Sidoo kale Slot ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddigaha Salah, Van Dijk Alisson Iyo xiddigaha kale ee ugu mihiimsan kooxda.
Liverpool waxa goolasha u dhaliyay xiddiga Dominik Szoboszlai kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Laakiin Ac Milan ayaa dhalisay saddex gool oo ay u kala dhaliyeen Rafael Leo, Ruben Loftus-cheek kuwaas oo dhaliyay 3 gool.
Xiddiga Cody Gakpo ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee Liverpool ka hor inta uuna xiddiga Noah Okafor dhaliyay gool kale.
Be the first to comment