Aabaha David Alaba Oo Xog Cusub Ka Sheegay Hishiiskii La Tilmaamay In Real La Gaareen Laacibka

Wakiilka ahna aabaha garabka bidix kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa jawaab ka bixiyay wararka sheegaya in laacibkaas uu hishiis la gaaray Real Madrid

Wargeyska Marca ayaa waqqi hore soo daabacay in Real hishiis la gaareen daafacaas kaasi oo midkiisa haatan uu dhamaanayo xagaagaan

Waxa ay wararkaaas sheegeen in xittaa laacibka uu maray tijaabada caafimaadka Real una saxiixay hishiis gaaraya muddo afar sano ah

Balse haatan aabaha Alaba ayaa wargeyska Bild ee Jarmalka ka yiri ” ma jirto wax hishiis ah ee uu saxixay wiilkeyga , balse waa jiraan kooxo doonayo saxiixiisa”.

Alaba ayaa diiday hishiis cusub ee uu saxiixo Munich sababo la xariira mushaarkiisa oo ay diideen in ay sara u qaadaan , waxaana laacibkaan sidoo kale laga doonayaa Ingiriiska

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*