Dejong makatagayaa Barcelona Kooxdee ayaa dooneyso, yuuse ku biirayaa ?

0

Manchester City ayaa go’aansatay inaysan sii wadin dadaalkii ay ugu jirtay saxiixa khadka dhexe ee Barcelona, Frenkie de Jong, kadib markii ay qiimeysay xaaladdiisa caafimaad.

Sida ay sheegtay wargeyska Isbaanishka ah ee Sport, City ayaa xagaagii hore xiisaynaysay De Jong, balse waxay codsatay warbixinnada caafimaad ee xiddiga reer Netherlands si ay u qiimeyso xaaladdiisa jireed kadib Koobka Adduunka.

Advertisment

Warbixintu ma xaqiijin in xaaladdiisa caafimaad ay ahayd sababta keliya ee City uga hartay heshiiska. Kooxda ayaa beddelkeeda dooratay Enzo Fernández (€145 milyan), Elliott Anderson (€135 milyan) iyo Ayyoub Bouaddi (€95 milyan), sida lagu sheegay warbixinta.

Dhanka kale, De Jong ayaa kasoo kabanaya dhaawac ka gaaray seedaha dhinaca jilibkiisa midig, wuxuuna dib uga qayb qaatay qayb ka mid ah tababarka wadajirka ah ee Barcelona. Weli wuxuu u baahan yahay waqti iyo fasax caafimaad ka hor inta uusan si buuxda garoomada ugu soo laaban.

De Jong ayaa qandaraas kula jira Barcelona ilaa 30-ka Juun 2029, waxaana tababare Hansi Flick horyaalla tartan adag oo khadka dhexe ah marka uu ciyaaryahanku soo kabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here