Messi oo Xulkiisa Cunsuriyad lagu eedeeyey & Dhaleeceen xoogan oo Arjentiin loo jeediyey

0

Xiriirka Kubadda Cagta Argentina ayaa lagu eedeeyay inuu si aan habboonayn ula dhaqmay xulka Benin, kadib ciyaartii saaxiibtinimo ee ka dhacday garoonka Monumental, taas oo ku beegnayd sagootintii Lionel Messi.

Sida uu sheegay wariyaha Faransiiska Romain Molina, xulka Benin kadib ciyaarta ma helin wax gunno lacageed ah ama qayb ka mid ah dakhliga ciyaarta, sidoo kalena ma jirin is-weydaarsi funaanado ah.

Advertisment

Waxaa kale oo la sheegay in ciyaartoyda Benin aan loo oggolaan inay sawirro xusuus ah la galaan ciyaartoyda Argentina, isla markaana aysan geli karin qolka labiska xulka Argentina.

Molina ayaa sheegay in xulka Benin uu aad uga xumaaday sida loola dhaqmay, isagoo ku eedeeyay xiriirka Argentina inuu faa’iidada ganacsi ka hormariyay martigelinta iyo ixtiraamka xulka martida loo ahaa.

Arrintan ayaa hadal hayn dhalisay, maadaama kulanka Benin iyo Argentina loo qorsheeyay inuu sidoo kale qayb ka noqdo xafladdii sagootinta Messi, kadib in ka badan 20 sano oo uu xulka Argentina u soo ciyaarayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here