Weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aan ka gaaray labada kooxood ee Arsenal iyo Barcelona, haddii uu ka tago Manchester City sababo la xiriira ciqaab culus oo kooxda lagu ridi karo.
Manchester City ayaa lagu helay inay jebisay xeerarka dhaqaale ee Premier League 114 jeer, iyadoo kooxda ay racfaan ka qaadatay go’aanka. Haddii racfaanka lagu guuldarreysto, City waxay wajihi kartaa ciqaab aad u culus, oo ay ku jirto in laga saaro Premier League ama dhibco badan laga jaro taasoo keeni karta inay heerka koowaad ka dhacdo.
Warar hore ayaa sheegayay in haddii City loo dhaadhiciyo heerka hoose, Haaland uusan diyaar u ahayn inuu kooxda la sii joogo oo uu qayb ka noqdo qorshe dib-u-dhis ah.
Arsenal ayaa la fahamsan yahay inay xiriir la sameysay wakiillada Haaland, balse wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiddiga reer Norway uu Barcelona ka doorbidayo Arsenal.
Sida laga soo xigtay Football Insider, Haaland ayaa doorbidaya inuu u dhaqaaqo Barcelona, iyadoo fursadda uu uga ciyaari lahaa La Liga ay soo jiidanayso 26-jirka, kadib dhowr sano oo uu Premier League ka dhaliyay goolal badan.
Barcelona ayaa muddo dheer Haaland u aragtay bartilmaameed weyn, gaar ahaan kadib markii ay xagaagii macsalaameeyeen Robert Lewandowski, halka isku daygii ay ku doonayeen Julian Alvarez uu fashilmay.
Real Madrid sidoo kale waxay xiiseyn kartaa Haaland, balse warbixintu waxay tilmaamaysaa in kooxda Madrid ay horey u haysato Kylian Mbappé, taasoo ka dhigaysa Barcelona meel macquul ah oo uu Haaland u dhaqaaqi karo.
Dhanka lacagta, wararka sheegaya in Haaland uu leeyahay €175 milyan oo ah qodob si degdeg ah loogu burburin karo heshiiskiisa ayaa la sheegay inay khaldan yihiin. Fabrizio Romano ayaa horey u xaqiijiyay in heshiiska Haaland uu leeyahay qodob lagu fasixi karo, balse qodobkaas ma dhaqan gelayo ilaa 2029.
Sidoo kale, Haaland heshiiskiisa kuma jiro qodob gaar ah oo u oggolaanaya inuu qiimo jaban kaga tago kooxda haddii Manchester City heerka koowaad ka dhacdo. Sidaas darteed, haddii City iibiso, waxaa loo baahan karaa lacag aad u badan.
Arsenal waxay leedahay awood dhaqaale oo ay Barcelona kula tartanto, balse haddii Haaland uu dhab ahaan doonayo Barcelona, lacagta badan ee Arsenal aysan wax badan ka beddeli doonin go’aankiisa.

