DEG DEG ”Waa in la Ceyriyaa isaga” Ronaldo oo shardi adag ku xiray kusoo laabashada xulka Portugal

0

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuu shuruud cad ku xiray soo laabashadiisa xulka Portugal, iyadoo khilaafka kala dhexeeya tababare Jorge Jesus uu sii xoogeysanayo.

Ronaldo ayaa ka baxay xerada xulka Portugal ka hor kulamadii Nations League ee Denmark iyo Norway.

Advertisment

Xiddiga 41-jirka ah ayaa la sheegay inuu khilaaf la galay Jesus kadib markii uu 90-ka daqiiqo oo dhan kursiga keydka ku qaatay kulankii Croatia.

Ronaldo ayaa hadda dib ugu laabtay kooxdiisa Al Nassr ee dalka Sacuudiga.

Sida ay sheegtay CNN Portugal, Ronaldo wuxuu sii cad u sheegay inuu xulka kusoo laaban doono oo keliya marka Jorge Jesus la eryo.

Xiisirka labada dhinac ayaa u muuqda mid gebi ahaanba burburay, iyadoo warbixintu sheegtay in xaaladdu ay gaartay meel ay adag tahay in dib loo hagaajiyo.

Ronaldo ayaa weli ah kabtanka iyo gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Portugal, balse mustaqbalkiisa xulka ayaa hadda laga galay xaalad aan la hubin, iyadoo Jorge Jesus uu sidoo kale wajahayo cadaadis ku saabsan sida uu ula macaamilayo arinta xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here